Etusivu (so)

Suomen Somaliland kehitys ja integraatio waxaa la aasaasay sanadkii 2003. Xaruntiisuna waa magaaladda Helsinki ee wadanka Finland. Ururka magaciisu marka la soo gaabiyo waa SSki Ry. Ujeedadda urukani waa in uu caawiyo dadka ajaanibta ah ee  ku nool wadankan Finland,  gaar ahaan dadka ku nool magaaladda Helsinki.

SSki Ry wuxuu u diyaariyaa dhalinyaradda Soomaliyeed waxayaabo kala duwan sida: ciyaaro kala duwan sida xagaa bixid (kesäleiri), koorsooyinka luqadda Finishka, Kumbuutaradda iyo arimo kale oo kala duwan sida shaqo- carbinta (harjoitellupaikka), dalabyadda iskuuladda, shaqooyinka  iyo wixiii la mid ah.

Ururka SSki Ry sidoo kale waxaa uu isku dayaa in uu caawiyo dadka Soomaliyeed ee dhowaan soo galay wadanka Finland iyadoo laga caawinayo wixii baahidooda ah hadba intii la awoodi karo.  Waxaan kaloo dadkaa siinaynaa deegyo kala duwan si ay u helaan macluumaadka ku saabsan wadankan.

Ururka SSki Ry waxaa uu leeyahay xubno kor u dhaafaya 300 xubnood oo isugu jira kuwa joogta ah iyo taagerayaal guud.

Luqadaha ururku ku shaqeeyaa waa luqadaha Finnishka iyo Af-soomaliga iyo weliba markii loo baahdo luqadda ingriiska.